Maamulka Puntland oo fariin adag usoo diray dowlada federaalka Soomaaliya

Wasiirka Arimaha Gudaha maamulka Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhaban-cad oo Warbaahinta kula hadlay magaalada Gaalkacyo ayaa ka hadlay doorashada Soomaaliya iyo saameynta laga cabsi qabo in ay ku yeelato caabuqa Covid-19.

Wasiir Dhaban-cad ayaa sheegay in ay kasoo horjeedaan in Madaxda dowlada federaalka sameeyaan mudo kororsi iyaga oo mar marsiiyo la imaanaya, waxa uuna xusay in aragtida Puntland ee doorashooyinka soo socda ay tahay in waqtigeeda ku qabsoonto.

Waxa uu sheegay Wasiirka arimaha gudaha Puntland in muhiim tahay madaxda Dowlada federaalka Soomaaliya iyo maamulada dalka ay isu yimaadaan si laysula meel dhigo Arimaha Doorashooyinka.

Dhaban Cad ayaa uga digay madaxda dowlada federaalka Soomaaliya in ay dib u dhigaan doorashada iyaga oo mar marsiiyo ka dhigaya cudurka Caronavirus, waxa uuna cadeeyay in dalka degenaansho la’aan galayo hadii dib loo dhigo doorashada.

”“Doorashada Soomaaliya oo dib u dhacda, iyada oo xanuunkan lagu marmarsiiyoonayo, waxay dalka gelindoontaa degonaansho la’aan dalka, waa in loo diyaar garoobaa dalka in ay doorasho ka dhacdo xiligeeda, si looga hortago in dalka uu galo carqalad xagga dastuurka ah” ayuu yiri Dhaban-cad.

Wasiirka arimaha gudaha Puntland ayaa ugu baaqay madaxda dowlada in gacana uga shaqeeyaan sidii doorasho dalka uga dhici laheyd gacantana kalana lagula dagaalamo cudurka Covid-19 .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -