Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Nin calooshiisa laga soo saaray hal kiilo oo isugu jira Musaamiir iyo Boolal (Sawirro)

Koox Dhaqaatiir ah  ayaa nin u dhashay dalka Lithuania calooshiisa ka soo saaray in ka badan hal kiilo oo bir isugu jirta musumaar, boolal, iyo mindiyo.

Sawir ay soo wadaagtay warbaahinta LRT ee dalkaas ayaa muujinaya saxan ay ka buuxaan biro oo laga soo saaray caloosha ninkaas kaddib qalliin saddex saacadood qaatay.

Waxaa la ogaaday in Ninkan uu  ayaa la sheegay inuu biraha liqayay muddo bil ah kaddib markii uu joojiyay mukhaadaraad uu isticmaalayay.

Biraha qaarkood ayaa looga soo saaray qalliin loogu sameeyay isbitaalka Klaipeda University Hospital, Ninkan ayay ambalaas isbitaalka keentay isagoo ka cabanayay xanuun daran oo caloosha ah. Waxaa la sheegay in haatan ay xaaladdiisu wanaagsan tahay, lagulana tacaalayo isbitaalka.

Sarunas Dailidenas oo ah dhaqtar qalliinka ku takhasusay ayaa sheegay in arrintani ay tahay mid yaab leh, iyadoo dad badan isweydiinayaan sida ninkan uu u liqay biraha qaarkood oo dhererkoodu gaarayo 10cm.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Qarax goordhaw ka dhacay Muqdisho iyo Ciidamada AMISOM oo qof shacab ah dilay

Cabdi Cade

Weriye TV oo isagoo toos hawada ugu jira shaaciyey geerida Walaalkiis (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Yuusuf Garaad: “Dal sharci leh sirdoonkiisu weriye uguma hanjabo baraha bulshada”

Caydiid Ali
Taboola Ads ---