Qarax goordhaw ka dhacay Muqdisho iyo Ciidamada AMISOM oo qof shacab ah dilay

Qarax nuuca miinada dhulka lagu aaso ayaa goordhaw lala eegtay kolonyo gaadiid ah ay wateen Ciidamada AMISOM oo marayay inta u dhaxeysa Xaafada Suuqa Xoolaha iyo Isgooska SOS ee magaalada Muqdisho.

Goobjoogayaal ayaa ku waramay in qaraxa miino uu haleelay mid kamid ah gaadiidkii ay wateen ciidamada AMISOM, lamana oga ilaa hada khasaaraha qaraxaasi kasoo gaaray ciidamada AMISOM.

Ciidamada AMISOM ayaa qaraxa kadib waxa ay fureen rasaas xoogan waxa ayna goobtaasi ku dileen nin shacab ah oo watay gaari nuuca raaxada ah sida uu noo xaqiijiyay goob jooge ku sugan meel ku dhaw halka uu qaraxu ka dhacay.

Qaraxyada miino ayaa inta badan ka dhaca Inta u dhaxeysa Isgooska SOS iyo Suuqa xoolaha, waxaana qaraxyadaasi inta badan lala eegtaa Ciidamada AMISOM ee jidkaasi ku socdaala.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -