Weriye TV oo isagoo toos hawada ugu jira shaaciyey geerida Walaalkiis (Daawo Sawirro)

Wuxuu ahaa warkii ugu qaraaraa ee uu hawada ka sheego wariye Maxamed Al Dhabyani oo war akhriye ka ah taleefishin ku yaala dalka Yemen.

Codkiisa ayaa is badalay wariyaha kadib markii uu daawadayaasha u sheegay in meydka walaalkiis la geeyay gurigooda oo ku yaala gobolka Dhamar ee Yemen.

Waxoogaa ayuu yara aamusay, qiirooday, kadibna dib u helay codkiisii caadiga ahaa, goortaasna daawadayaasha u sharaxay sidii uu u dhintay walaalkiis Amiin.

Amiin ayuu sheegay in uu ka mid ahaa maxaabiis u xirnayd kooxda Xuutiyiinta oo lagu dilay duqeyn xulufada Sucuudiga ay ka geysteen Sanca.

Maxamed ayaa waxa uu ka hawlgalaa taleefishinka Suhail, kaas oo hadda u guurey satellite Sucuudiga ku yaala kadib markii la xiray xafiisyadii uu ku lahaa magaalada Sanca.

Amiin ayaa waxaa xiray Xuutiyiinta bishii Agoosto isaga oo ku sugan dukaan ay ku lahaayeen magaalada Sanca.

Walaalkiis kale oo lala xiray, markii dambane lasoo siidaayay ayaa sheegay in sababta loo xiray ay ahayd in walaalkood uu yahay wariye kasoo horjeeda Xuutiyiinta.

Boqolaal dad ah ayaa ka qeybgalay aaska wariyaha walaalkiis, wuxuuna Maxamed dareemay in walaalkiis uu xaq ugu leeyahay in geeridiisa uu adduunyada dhan ogeysiiyo.

Maxamed ayaa ku sugan magaalada Riyaad ee Sucuudiga, halkaas oo uu tabinta taleefishinka ka sameeyo.

Xigasho: BBC

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -