(Sawirro) Rooble oo kormeeray xarunta ay dhaceyso doorashada ee degmada Baraawe

Ra’lisul Wasaaraha Somalia Maxamed Xuseen Rooble oo booqanaya degmada Baraawe ayaa deeq dawo ah gaarsiiyay isbitaalka guud ee degmadaas isagoo sheegay in u dhawaan isbitaalka soo gaari doono gaari lagu qaado bukaannada.

Rooble ayaa sidoo kale balan-qaaday in la dabooli doono baahiyaha deg degga ah ee isbitaalka.

Ra’lisul Wasaare Rooble ayaa sidoo kale kormeeray xarunta loo gorsheeyay inay ka dhacdo doorashada xildhibaannada Golaha Shacabka ku matalaya Koofur Galbeed oo magaalada Baraawe ay ka mid tahay magaalooyinka ay ka dhaceyso.

Ra’iisul Wasaaraha oo uu wehliyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa sidoo kale kulan looga hadlayay xaqiijinta amniga doorashooyinka la yeeshay saraakiisha laamaha amniga qeybahooda kala duwan iyo taliska ciidanka Amisom qeybta fegmada Baraawe.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -