Somaliland oo War ka soo saartay dadkii laga soo Masaafuriyey Laascaanood

Maamulka Somaliland ayaa markii ugu horeysay ka hadlay talaabadii shalay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool looga soo masaafuriyey boqolaal qof oo ka soo jeeda koonfurta Somalia kuwaasoo halkaas ku noolaa muddo dheer.

La-taliyaha Madaxweynaha Somaliland, Cali Waran-cadde ayaa difaacay talaabada ay Somaliland qaaday oo uu ku sheegay iney tahay mid lagu sugayo amaanka.

“Laascanood waxay ka ka bixi wayday dil, khalqal amni iyo waxyaabihii Soomaaliya ka socday wax u eg, haddii la baarayna waxaa la ogaaday in gobolka ay u badan yihiin dad aan u dhalan, markaa halla saaro ayaa la yiri, Dadka ka hadlayana waxaan leeyahay hana xasuusinina waxyaabihii hore” ayuu yiri la taliyaha.

Cali Waran-cadde ayaa sheegay in dadka la masaafuriyey la siiyey gaadiid ay ku tagaan degaanadii ay ka yimaadeen, iyo sahay ku filan.

“Masuuliyiinta koonfur ee arrintan ka hadlaya waxaan leenahay, marka hore idinku heshiiya oo dantiina ka tashada, intaad ku mashquuli laheydeen Somaliland oo ah dal madax banaan oo isku tashaday” ayuu yiri Cali waran-cadde.

Waxaa uu balan-qaaday in hantida ma guurtada ah ee dadka la masaafuriyey ku leeyihiin magaalada Laascaanood aan lagala wareegi doonin, balse xiliyada soo socda loo maareyn doono sida ugu wanaagsan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -