Jubbaland oo si adag uga hadashay Masuulkii u gefay R/W Rooble iyo Hooyada Ikraan Tahliil

Madaxweyne ku-xigeenka 1-aad ee Dowladda Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan ayaa sheegay in uu ka xunyahay hadallada xanafta leh ee loogu gafay Ra’isul Wasaare Rooble iyo Hooyada dhashay Marxuumad Ikraan Tahliil .
 
Maxamuud Sayid Aadan ayaa ka raali galiyay ummadda Soomaaliyeed hadallada ay ku hadleen kuwa uu sheegay in xilkas ahayn si sharci darrada ahna ay hay’adda NISA ugu wakiilatay gobolka Gedo.
 
“Waxaan ugu baaqayaa dhammaan waxgaradka gobolka, sida dhallinyarada, culumaa’udiinka, aqoonyahanka, haweenka iyo ganacsatadaba in ay ka jawaabaan gefka ay geeysanayaan kuwa ku dhex nool oo magacooda adeegsanaya”. ayuu yiri Maxamuud Sayid
 
Madaxwayne ku-xigeenka ayaa sido kale sheegay in arrintaani ceeb ku tahay madaxwaynaha wakhtigiisu dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu sheegay in si sharciga baalmarsan Gedo u wakiishay kuwa gefka kasoo yeeray.
Hadalka Madaxweyne kuxigeenka Jubbaland ayaa kusoo aadaya xili Gudoomiyaha degmada Luuq ku baaqay in Carabka laga jaro hooyada dhashay Ikraan Tahliil sidoo kale u gefay Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya oo ay is khilaafsan yihiin Madaxweyne Farmaajo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -