Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Jubbaland oo meel marisay xeer cusub ka dib shir ka dhacay Kismaayo

Madaxweyne ku xigeenka 1-aad ahna ku simaha Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Maxamuud Sayid Adan ayaa maanta shir-gudoomiyey kulanka Golaha Wasiirada oo lagaga hadlay qodobo kala duwan oo ay kamid yihiin arrimaha Siyaasadda iyo Amniga ee deegaanada Jubaland.

Wasiirka kuxigeenka Wasaaradda Amniga Gudaha Jubaland ayaa ka warbixiyey xaaladda Amni iyo sida Ciidamada ay qayb lixaad leh oga qaateen sugida Amniga xili lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan, howlgaladii ugu dambeeyey ee ay sameeyeen ciidamada Jubaland gaar ahaan Ciidamada ku sugan Deegaanka Barsanguuni iyo degmooyiinka Afmadow iyo Dhoobley isagoo ka warbxiyay guud ahaan Degmooyinka gobolka Gedo.

Intii uu shirku socday golaha Wasiirada Dowladda Jubaland ayaa ansixiyey xeerka Booliska oo ay soo gudbisay Wasaaradda Amniga Gudaha.

Wasaaradda Haweenka, Arrimaha Qoys iyo Xuquuqul Insaanka Dowladda Jubaland ayaa golaha u soo jeedisay in la meelmariyo xeerkii Gudniinka Fircooniga ee ay soo gudbiyeen bishii February 2024, sidoo kale wasaarada ayaa soo jeedisay xukunada baal marsan Arrimaha Xuquuqul Insaanka Aadanaha ee Maxkamada.

Related posts

Jake Sullivan iyo Bin Salman oo kulmay xilli xiisad ay u dhaxeyso Mareykanka iyo Sacuudiga

Cabdi Cade

Marwada 1aad ee dalka oo dhagax dhigtay Mashruuc laga hirgelinayo Baraawe (Sawirro)

Caydiid Ali

Taalibaan oo ka hadashay Haween Xaamilo aheyd oo lagu eedeeyay in ay dileen

Cabdi Cade
Taboola Ads ---