Diyaarado wada ciidamo badan oo ka degay Dhuusomareeb iyo abaabul xoogan oo socda

Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusomareeb ee caasimada dowlad goboleedka Galmudug ayaa sheegaya in goordhaw garoonka diyaaradaha magaaladaasi ka dageen diyaarado wada ciidamo aad u badan.

Sida aan wararka ku helnay diyaaradahan ayaa saakay ka duulay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, waxa ayna diyaaradahan qaadeen ciidamo katirsan booliiska sida gaarka ah u tababaran ee loo yaqaan Haramcad.

Ciidamadan goordhaw la geeyay magaalada Dhuusomareeb ayaa loogu tala galay in lagu xoojiyo ciidamada dowlada iyo kuwa Galmudug ee ku sugan magaalada Dhuusomareeb iyo deegaano kale oo ku dhaw dhaw.

Magaalada Dhuusomareeb waxaa ka socda abaabul xoogan ay wadaan ciidamada dowlada federaalka iyo kuwa Galmudug kuwaa oo isku diyaarinaya in ay dib u qabsadaan deegaano Ahlu Sunna la wareegtay ay ku jirto magaalada Guriceel.

Hogaanka Ahlu Sunna ayaa dhankooda abaabul dagaal ka wada magaalada Guriceel iyo deegaano kale oo katirsan Galgaduud, waxa ayna wadaan hub aruursi iyo in dib ugu yeeraan ciidankoodii hore oo qaarkood ku biireen ciidanka dowlada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -