C/weli Muudey oo sheegay in magaca Dowladda uusan aheyn Nabad iyo Nolol

Guddoomiye kuxigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka Soomaaliya Cabdiweli Ibraahim Muudey ayaa ka hadlay hal heyska dowlada uu Hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo ee Nabad iyo Nolol.

Waxa uu sheegay Gudoomiye kuxigeenka Golaha Shacabka in magaca dowlada uusan aheyn Nabad iyo Nolol, waxa uuna tilmaamay in magaca dowladda ay tahay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

”Waxaan idin sheegayaa magaca Dowlada Nabad iyo Nolol maahan, magaca dowlada waa Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, Xukuumada hadaad rabtiin dhaha Nabad iyo Nolol balse magaca dowlada maahan hal heyskaasi” Ayuu yiri Muudey.

Dowlada uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo ayaa caan ku ah Nabad iyo Nolol, hal heyskan ayaana baxay xiligii uu ololaha Doorashada Madaxweynaha uu ku jiray Maxamed Farmaajo.

Dadka Soomaaliyeed ayaa ugu yeera doawlada hada jirta Kooxda Nabad iyo Nolol, waxaana hal heyskan aad u adeegsada dadka sida weyn u taageera Dowlada ay hogaamiyaan Farmaajo iyo Kheyre.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -