Qaraxyo caawa lagu weeraray hoyga Gudoomiyaha degmo ka tirsan Muqdisho

Kooxo hubeysan ayaa Bambooyin gacanta lagu tuuro ku weeraray hoy uu degan yahay Gudoomiyaha degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho Maxamed Abuukar Jacfar.

Dhismaha la weeraray oo si weyn loo ilaaliyo ayaa ku yaalla daadega isgoyska Dabka dhinaca degmada H/wadaag, isagoo ku dhow dugsiga hoose dhexe ee Dhagaxtuur.

Qaraxyada ka dib ciidamo ilaalo ah oo ku sugnaa gurigaas ayaa furay rasaas kooban, waxaana muddo kooban la xiray wadada isku xirta dabka iyo Suuqa Bakaaraha.

Weli ma cadda khasaaraha ka dhashay bambooyinkan mana jiro war dhacdadan la xiriira oo ka soo baxay maamulka degmada H/wadaag iyo laamaha amaanka Muqdisho.

Dhismahan uu uu degan yahay Gudoomiyaha degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho Maxamed Abuukar Jacfar ayaa horey dhowr mar waxaa sidan oo kale lagu weeraray bambooyin qaarkood geystay khasaare nafeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -