Wasaarad ka tirsan Dowlada Somalia oo War ka soo saartay website laga jabsaday

Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee xukuumada Somalia ayaa sheegtay in la soo celiyey websitekii Wasaaradaas oo hawada ka baxay.

Qoraal kooban oo kasoo baxay Wasaarada ayaa lagu sheegay in cilad farsamo awgeed uu hawada uga maqnaa websiteka, haatana uu dib u soo laabtay markii la xaliyey ciladii jirtay.

“Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS, waxay ganacsatada iyo shacabka Soomaaliyeed ba ay la socodsiinaysaa in dib loo soo celiyey Mareegta (Website-ka) Wasaaradda www.moci.gov.so oo muddo saacado ah hawada uga maqnayd cilad farsamo darteed, waxaana ay hada u shaqeynaysaa si caadi ah.” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Wasaaradda.

Warar horey u soo baxay ayaa sheegayey in website Wasaarada ay jabsadeen, ka dibna la wareegeen burcada internetka (Hackers), kuwaasoo ku soo qoray ereyo ku baxayey luqadaha Turkiga iyo Englishka oo la micno ahaa (Ma jiro System amaan ah) iyo ereyo kale.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA WEBSITEKA IYO QORAAL KA SOO BAXAY WASAARADA

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -