Amaro lagu soo rogay Shirkadaha Diyaaradaha ee ka duula Muqdisho (Daawo Sawirro)

Wasaarada Gaadiidka iyo Duulista Hawada dowlada Soomaaliya ayaa soo saartay amaro ku socda Shirkadaha Diyaaradaha rakaabka ka qaada Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Salaad (Oomaar) oo maanta kulan la qaatay Madaxda Shirkadaha Diyaaradaha ayuu ugu gudbiyay amaro oo ay ay Wasaaradu soo saartay.

Waxa uu sheegay Wasiirka in amaradan ay soo saareen ay yihiin kuwa ay uga jawaabayaan cabashooyinka dadweynaha Soomaaliyeed ee raaca diyaaradaha dalka uga imaanayay mudooyinkii ugu dambeeyay.

Mudane Maxamed Cabdulaahi Salaad (Oomaar)  ayaa sheegay in  Go’aanada ka soo baxay Wasaaradda ay yihiin kuwa looga jawaabayo cabashada rakaabka , waxa uuna xusay in aanan  la aqbaleyn in lagu tunto xaquuqda Rakaabka.

Wasiirka ayaa sheegay in la ganaaxi doono shirkadii jabisa amaradan ayy wasaaraxda soo saartay , waxa uuna uga digay Sgirkadaha diyaaradaha in ay jabiyaan amaradan lagu soo rogay.

“Cidii jabisaa amarada aan soo saarnay marka koowaad waxa ay mutaysan doontaa ganaax laba kun oo doolar ah, marka labaad shirkadii jabisaa waxay mutaysan doontaa Ganaax 2 kun oo doolar iyo 7 maalin oo shaqa ka joojin ah, marka sadaxaad cidii jabisaa amarkaana waxaan ku ganaaxi doonaa laba kun oo doolar iyo inaan kala noqono ruqsada shaqo oo ay duulimaad uga sameyn karaan dalka’’ ayuu yiri Wasiirka Gaadiidka.

Amarada Wasaarada kusoo rogtay Shirkadaha Diyaaradaha ayaa kala ah

1 Rakaabka Diyaaradaha waddanka gudihiisa ama dibadiisa aadayo Garoonka waa inay soo galaan saddax saac ka hor inta aanay diyaarada kicin.

2 Rakaabka lama soo galin karo garoonka mudda ka badan saddex saacadood inta aanay diyaarada kicin .

3 Diyaarad rakaabkii sugayay oo garoonka joogo lagama kireyn karo qolo kale, iyada oo laga tagayo rakaabkii diyaarada oo ku sugan gudaha garoonka.

4 Dhammaan diyaaradaha waxaa la faraya inay soo gudbiyaan jadwalkooda duulimaadyada ee billa ah.

Amaradaan ayaa la rumeysan yahay inay xal u yihiin caqadihii Rakaabka diyaaradaha ka haystay waqtiga uga lumo sugista duulimaadyada diyaaradaha ee Garoomada oo marar ka qaar saacada badan ka qaata.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -