Kulamadii lagu xalinayey khilaafka Farmaajo & Rooble oo mar kale isku mari waayey

Wadahadalo adag oo la doonayey in lagu xaliyo khilaafkii mudada u dhexeeyey Madaxweyne Farmaajo iyo RW Rooble ayaa mar kale guuldareystay ka dib markii la isku mari waayey dhowr qodob oo la isku hayo.

Ilo wareedyo ayaa allbanaadir Online u sheegay in wadahadaladu socdeen ilaa xalay gelinkii dambe, waxaana horboodeyey gudiyo labada dhinac metelayey, iyadoo ay korjoogto ka ahaayeen Guddoomiye Mursal iyo Madaxweyne Qoorqoor.

Waxaa baraha bulshada iyo warbaahinta qabsaday xalay saqdii dhexe in labada dhinac isku soo dhowaadeen heshiisna gaari rabaan, hase ahaatee mar kaliya ayey xaaladu isbedeshay markii la isku fahmi waayey qodobada qaar oo ay ugu waaweyn yihiin masuuliyiinta loo magacaabayo Wasaarada amniga iyo taliska NISA.

Farmaajo ayaa soo jeediyey in la beddelo Wasiirka amniga Cabdullaahi Maxamed Nuur, oo la geeyo Wasaarad kale, uuna soo magacaabo wasiir cusub oo amni, Balse Rooble ayaa taas ka biyo diiday, isagoo sheegay in sida kaliya ee uu Wasiirka amniga ugu beddeli karo wasaarad kale ay tahay inuu isagu ogolaado.

Wasiirka amniga Cabdullaahi Maxamed Nuur ayey wararku sheegayaan inuu ku gacan seyray in meel kale loo wareejiyo, wuxuuna xusay  in haddii Wasaarad kale la geynayo uu iscasilayo.

Sidoo kale, labada dhinac ayaa isla ogolaaday in la isla tuuro labada taliye ee ay u kala magacaabeen NISA waa Bashiir Goobe iyo Yaasiin Farey, hase ahaatee waxaa la isku fahmi waayey taliyaha cusub.

Rooble ayaa qaba in NISA la geeyo taliye dhexdhexaad ah oo labada dhinac isla ogolyihiin, lehna sumcad wanaagsan, hase ahaatee Farmaajo ayaa doonaya in taliyaha cusub laga dhex doorto isla saraakiisha NISA, uuna isagu soo magacaabo.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Farmaajo uu mar soo jeediyey in taliyaha cusub ee NISA laga dhigo C/raxmaan dheere oo si weyn ugu dhow Fahad Yaasiin hase ahaatee waa shaqeyn weysay.

Rooble ayaa aaminsan in haddii qof Farmaajo ka socda ama saraakiil hadda ka tirsan NISA loo magacaabo hogaanka NISA ay taas horseedeyso ineysan cadaalad helin Ikraan Tahliil oo udub dhexaad u ah khilaafka labada masuul.

Wadahadaladii xalay oo illaa saaka waaberigii la isla soo gaaray ayay wax natiijo ah ka soo bixi waayeen, waxaana lagu heshiiyey in maanta ama beri mar kale la isku yimaado, halkoodana laga sii wado.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -