Muxuu taliyaha ciidanka Dhulka kala hadlay Shacabka degaanka Janaale? (Sawirro)

Taliyaha ciidanka dhulka xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal Cabdixamiid Maxamed Dirir ayaa u sheegay shacabka reer Jannaale inay gacan ka geystaan siddii al-shabaab looga xoreyn lahaa degaanada ay kaga sugan yihiin gobolka Shabeellada Hoose.

Jeneraal Cabdixamiid Maxamed Dirir oo meel fagaaro ah kula hadlay shacabka ku nool Jannaale ayaa ka codsaday inay la shaqeeyaan ciidanka oo ay farta ku fiiqaan Al-Shabaab haddii ay magaaladu ku arkaan si loo xoojiyo nabadgelyada magaalada iyo degaannada ku xeeraan.

Waxaa xusay in dib loo soo celin doono adeegyada aasaasiga u ah nolosha beni’aadanka sida hirgelinta goobaha waxbarashada, caafimaadka iyo goobo kale, waxaana uu taliyaha tilmaamay inay joogteyn doonaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Taliyaha ciidanka dhulka xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal Cabdixamiid Maxamed Dirir ayaa ugu dambeyn u sheegay shacabka ku nool Jannaale inay u hayaan deeq raashin ah, isla markaana maalmaha soo socdana ay soo gaarsiin doonaan daawooyin loogu talagalay shacabka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -