Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Galmudug oo shaacisay iney fashilantay waanwaantii laga dhex waday Farmaajo & Rooble

Wasiiru dowlaha madaxtooyada dowlad goboleedka Galmudug Cumar Shido ayaa xaqiijiyay inay fashilantay waan-waantii madaxweynaha Galmudug uu maalmihi la soo dhaafay ka dhex waday madaxda Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isul Wasaare Rooble oo khilaaf weyni uu soo kala dhexgalay.

“Sidaad lawada socoteen Madaxweyne dowlada Galmudug Ahmed Abdi Kariye (Qoorqoor) oo maalmahan ah ku howlanaa xalinta khilaafka ka dhashay kiiskii Ikraan Tahliil, oo sababay muran aad u balaaran, oo u dhaxeeyo Madaxweyne Farmaajo iyo Raisal wasaare Rooble. Dadaal badan oo uu bixiyay Madaxweynaha Galmudug oo marxalado badan soo maray iyadoo xiliyada qaar ay shirarku qaadanayeen ku dhawaad 18 saac, ayaa gunaanadkii wuxuu caawa kusoo dhamaaday fashil, iyadoo Rw Rooble garabkiisa ay muujiyeen biseyl badan halka dhinaca kalena lagala kulmay caqabad aad u waaweyn oo soo dadajisay inuu wada hadaladii socday caawa ay istaagaan” ayuu ku yiri qoraal uu ku daabacay bartiisa Facebook wasiiru dowlaha madaxtooyada Galmudug Cumar Shido.

Xubno ay ka mid ahaayeen Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, madaxweynaha Koofur Galbeed Cabdicaziiz Laftagreen iyo guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal ayaa maalmihii la soo dhaafay ku howlanaa sidii loo dhammeyn lahaa khilaafka Farmaajo iyo Rooble.

Mareykanka, Midowga Yurub iyo Qaamada Midoobay ayaa iyaguna si kala gooni-gooni ah madaxda dowladda ugu soo jeediyay inay xalliyaan xilaafka, loonaa soo jeedso ‘geeddi socodka doorashada.”

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Rag Shabaabnimo lagu eedeeyay iyo Qaraxyo la qabtay oo lasoo bandhigay (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Sidee Cali Guudlaawe loogu soo dhoweeyey degaanka Gerijir ee G/Hiiraan? (Sawirro)

Caydiid Ali

Dood labo oday ee kala taageersanaa Dowladda & Mucaaradka oo ku dhax martay Maqaayad ku taal Muqdisho !!

admin
Taboola Ads ---