Al-Shabaab oo War ka soo saartay sababta ay u dileen Liibaan Qaadi Cali

Al-Shabaab ayaa shaacisay iney gobolka Bay ku dileen mid ka mid ergadii soo xushay xildhibaannada Baarlamanka dowladda Somalia

Marxuum Liibaan Qaadi Cali oo sida Al-shabaab ay sheegtay ahaa Ergay wax kasoo xulay Xildhibaannadii Baarlamaanka Federaalka ee laga soo doortay gobolka Bay ay ku dileen magaalada Baydhabo.

Sidoo kale Al-shabaab ayaa sheegtay iney baxsadeen raggii fuliyey dilkaas ee ka tirsanaa kooxdaas.

War Al-shabaab ay ku qortay bogaga internetka ee taageera kooxdaas ayey waxay ku eedeeyeen Liibaan Qaadi inuu sanaddii 2016 Baydhabo kaga qeyb galay shirarkii lagu soo xulayay xildhibaannada baarlamanka.

Maamulka Koonfur Galbeed kama hadlin dilkan AlShabaab ay sheegtay balse kooxda ayaa horay Muqdisho iyo magaalooyin dhaca Koonfurta Soomaaliya sidan ugu dishay odayaal iyo Ergay ka qeyb galay doorashooyinkii dowladda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -