Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Tacshiirad khasaare nafeed geysatay oo la isku weydarsaday garoonka Laascaanod

Sida ay sheegayaan wararka naga soo gaaraya Magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool laba Maleeshiyo ayey israsaaseyn ku dhexmartay Garoonka dayuuradaha ee Magaaladaas.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in khilaaf dhexmaray Ganacsatada Qaadka ee xilligaasi u soo degaysay Diyaarad siday Qaad ay sababtay in labada dhinac ay isugu yeertaan Ciidan, halkaasoo is rasaaseyn ka dhacday.

Ugu yaraan afar qof ayaa ku dhaawacmay, mana jiro ilaa hadda dhimasho la soo sheegay oo ka dhalatay is rasaaseynta labada Maleeshiyo.

Laamaha Ammaanka ee Magaalada iyo Somaliland kama aysan hadlin israsaaseynta Garoonka Laascaanood maanta ku dhexmartay labada Maleeshiyo.

Related posts

Al-Shabaab afur u fadhiyey oo caawa lagu laayey Sh/dhexe

Caydiid Ali

Xildhibaanno codsaday in xarunta ay ku shiraan looga dhax sameeyo goob ay isku qurxiyaan

Cabdi Cade

Deeegaan Dhawwaan Degmo laga dhigay oo dhisanaya Garoon Diyaaradeed (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---