Allbanaadir.com
NEWS

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo kawada hadlay dagaalka ka dhanka ah Argagaxisada

Wasiirka amniga ee XFS Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe) ayaa magaalada Riyaad ee dalka Sacuudi Carabiya kula kulmay Wasiirka arrimaha gudaha dalka Sacuudiga, Amiir Cabdul Casiis bin Sacuud bin Naa’if.

Labada mas’uul ayaa waxay ka wada hadleen sidii loo laba jibbaari lahaa xiriirka qotoda dheer ee labada dal,iyo sidii laysaga kaashan lahaa arrimaha amniga gudaha iyo la dagaalanka Argagixisada.

Wasiirka wasaaradda amniga Soomaaliya Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe) ayaa kulanka ka dib booqasho ku tagay Jaamacadda Sayniska iyo amniga ee Naa’if iyo xarunta la dagaallanka fekerka xagjirnimada iyo goobo kale.

Dowladda Soomaaliya ayaa xoojineysa xiriirka kala dhaxeeya waddamada Carabta, waxa ayna dowladda taageero u raadineysaa howlgalka ka dhanka ah kooxda Al Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wararkii Ugu Dambeeyay dad isku qoys ahaa oo xalay lagu dilay Deegaanka Xaluule

Cabdi Cade

Nin cabsi iyo jahwareer ku abuuray Yahuud badan oo xukun lagu riday (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Dagaal AMISOM iyo Al-Shabaab dhexmaray & Maxaabiis xirneyd oo la soo furtay

admin
Taboola Ads ---