Maxaa looga hadlay shirka caawa dhexmaray RW Rooble & Madax goboleedyada? (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Somalua Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa guddoomiyay Shir ay habka fogaan aragga  caawa ku yeesheen madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka

Waxaa diiradda lagu saaray kulanka habsami u socodka howlaha doorashooyinka dalka iyo in sida ugu dhaqsiyaha badan loo bilaabo doorasha xildhibaannada Golaha Shacabka BFS, iyadoo la tix raacayo jadwalkii doorashooyinka dalka.

Guddoomiyaha Guddiga Maamulka Doorashooyinka Heer Federaal oo shirka qeyb ka ahaa, ayaa Golaha Wadatashiga Qaran la wadaagay warbixin ku saabsan howlaha guddiga ee ku aaddan hab sami u socodka howlaha doorashooyinka.

Ilo ku dhow dhow shirka Golaha Wadatashiga Qaran ayaa sheegaya in isku soo hadal qaaday in shir isugu yimaadaan, balse lama go’aamin waqtiga rasmiga ah uu qabsoomi doono shirkaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -