Jen. Khalifa Haftar oo aqbalay shuruud lagu xiray inuu ka qeyb galo doorashada Liibiya

Hoggaamiye kooxeedka ka dagaalama Liibiya, Jen. Khalifa Haftar ayaa qaaday tallaabo u suurtagalin karta inuu ka qayb galo tartanka doorashada xilka Madaxweynaha ee la filayo inay dhacdo bisha December.

Khalifa Haftar ayaa sheegay inuu ka tanaasulayo doorkiisa dhinaca militariga, sidaasna uu ku joojin doono dhammaan adeegsiga ciidamada.

Waxa uu u muuqdaa inuu ka faa’iideysanayo shuruucda cusub ee muranka dhaliyay.

Haftar oo doonayay inuu Liibiya ku qabsado ciidamo xoog leh oo taageero ka heystay Ruushka iyo dalal ka tirsan carabta ayaa la jabiyay kaddib markii uu Turkiga la dagaallamay.

Dadka falanqeeya arrimaha Liibiya ayaa sheegay in qabsoomidda doorashada ay shaki gelinayaan ismaandhaafka u dhaxeeya dhinacyada siyaasadda ee dalkaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -