Maxkamada Ciidamada oo Xukun ku riday Rag magaca Al Shabaab dadka ku baadi jiray (Sawirro)

Maxkamada ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa xukun adag oo xabsi ah ku riday labo nin oo lagu helay dambi ah in dadka shacabka ku baadi jireen in ay katirsan yihiin kooxda Al Shabaab sidoo kale dumarka afduub u geesan jiray.

Maxamed Cali Cabdi Isxaaq iyo Axmed Yaasiin Xaaji Gaabow ayaa maxkamada ciidamada ku heshay dambi ah in ay dadka baad kaga Qaadi jireen magaca Alshabaab iyo Afduubka dhowr qof oo ay madax furasho ka qaateen.

Maxamed Cali Cabdi Isxaaq iyo Axmed Yaasiin Xaaji Gaabow ayaa isticmaali jiray SIMCARD SOMNET oo ay ganacsatada Soomaaliyeed ku waydiisanayeen Bixinta lacago baad ah iyaga oo dadka isaga dhigaya in Al Shabaab katirsan yihiin.

Ragan Intii ay wadeen Howshan waxa ay sameeyeen dhowr Afduub oo ay u gaysteen Hablo Soomaaliyeed iyaga oo ka qaatay lacag u dhexeyso  kun ilaa laba kun oo dolar, waxa ay sidoo kale  sheegteen in ay ku qaadi jireen baadda magaca Alshabaab oo ay dhowr jeer ugu suura gashay helidda lacag, waxa ay  dadka ku kalifi jireen in ay ku ballamiyaan Masaajidda iyo Xaafado ku yaal Cirifyada Muqdisho  iyo suuqa wayn ee Bakaaraha.

Mid kamid ah dhibanayaasha  Goobjoogga  u ahaa Maxakamadaynta labada Eedeysana ayaa u sheegtay Garsoorka in ay kaga shakisay labadaba Gor-gortanka lacagta sidaasna ay  ku war gelisay Ciidamada Amniga gaar ahaan Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka oo  soo qabtay Maxamed Cali Cabdi Isxaaq iyo Axmed Yaasiin Xaaji Gaabow, dabayaaqadii May sanadkan.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa ka codsaday in loo ciqaabo dambigii ay galeen Maxamed Cali Cabdi Isxaaq iyo Axmed Yaasiin Xaaji Gaabow oo iyaga Muqdisho ka abuuray weji cusub oo u baahan in ladabar jaro.

Xeer Ilaaliye Maxamed Cabdullaahi Khaliif  ayaa u sheegay Garsoorka in Eedeysanayaasha ay xitta ku handadi jireen dadka ay Afduubtaan ee lacagaha ay ka qaadaan in Gaariga ay ku xiran-yihiin walxaha Qarxa oo hadii ay dhaq-dhaqaaq sameeyeen ay ka dhaln karto in ay wada Qarxaan taasi oo u fududaysa Eedeysanayaasha in Gabdhaha  ganacsatada  ah ay ka saaraan Magaalada.

Qareenada u dooday eedeysanayaasha ayaa Maxkamadda iyagana ka codsaday in laga qaado magdhow eedeysanayaasha oo ay sheegeen dambiga ay galeen kaliya in uu ku koobnaa Turufo.

Dhowr fadhi kadib Maanta ayay Maxkamadda Go’aan ka soo saartay Kiiska Maxamed Cali Cabdi Isxaaq iyo Axmed Yaasiin Xaaji Gaabow, waxa ayna Maxkamadda ku xukuntay Min 15-sano oo Xabsi Ciidan ah sida dhinacyada Dacwadda uu u sheegay Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Xukunsanayaasha ayaa haysta Fursad ay ku dalban karaa Rafcaan 30-cisho gudahood.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -