Maxaa ka soo baxay wadahadal Ruushka & Ukraine ku yeesheen Turkiga? (Sawirro)

Wadahadalo cusub oo fool ka fool la isku hor fariistay ku soo idlaaday Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga wufuud ka kala socota dalalka Ruushka iyo Ukraine.

Warbaahinta Turkiga ayaa sheegtay in wadahadaladu qaateen muddo saddex saacadood ah.

Ukraine ayaa la sheegay inay soo jeediyeen nidaam cusub oo ah damaanad qaad amni kaasoo ay garwadeen ka noqonayaan wadamada sida Turkiga oo kala ah.

Wadahadalada inta aysan bilaaban ka hor Ukraine ayaa sheegtay inay dalabka Moscow u tixgalinayaan mid dhexdhexaad ah, balse aysan marnaba ka tanaasuli doonin gobolada Ruushku sheegay inuu u aqoonsaday jamhuuriyado ka madax banaan Ukraine.

Madaxa wadahadalada wafdiga Ruushka Vladimir Medinsky ayaa sheegay in ay walwal ka qabaan suura galnimada ciqaabo lagula kacayo askar Raashiyaan ah.

Ruushka ayaa ballan qaaday inuu hoos u dhigayo howlgallada militari ee ka socda Kyiv iyo waqooyiga Ukraine si ay u noqoto tallaabo kalsoonida lagu dhisayo, taasoo ah calaamad la taaban karo oo muujineysa in waxoogaa horumar ah laga gaaray wada xaajoodka joojinta dagaalka.

Intii lagu guda jiray wadahadalada Ukraine ayaa dhankeeda soo jeedisay in la qaato mawqif dhexdhexaad ah qaabka ugu faahfaahsan ee weli lagu xallin karo khilaafka shanta toddobaad ah.

“Si loo kordhiyo kalsoonida labada dhinac loona abuuro shuruudaha lagama maarmaanka u ah wada xaajoodyada dheeraadka ah iyo gaaritaanka himilada ugu dambeysa ee heshiska, waxaan hoos u dhignay dhaqdhaqaaqa milatari ee jihooyinka Kyiv iyo Chernihiv. ” ayuu yiri wasiir ku xigeenka gaashaandhigga Ruushka Alexander Fomin oo la hadlay warbaahinta.

Ma uusan soo hadal qaadin deegaanada kale ee ay ka dhaceen dagaallo culus, oo ay ku jiraan agagaarka Mariupol ee koonfur-bari, Sumy iyo Kharkiv oo bari ah iyo Kherson iyo Mykolaiv ee koonfurta.

Wafdiga Ruushka ayaa sheegay in ay daraasad ku sameyn doonaan oo ay u bandhigi doonaan soo jeedinta Madaxweyne Vladimir Putin.

Wada xaajoodyada Ukraine ayaa ku baaqay kulan dhexmara Putin iyo Madaxweyne Volodymyr Zelenskiy, iyadoo madaxa wada xaajoodka ugu sarreeya Ruushka Vladimir Medinsky uu sheegay in taasi dhici karto markii wasiirrada arrimaha dibedda ee labada dal ay arrintaas ka wada shaqeeyaan

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -