Gudoomiye Mursal oo kulan la qaatay Mr Lingarde iyo Waxyaabihii ay kawada hadleen

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa manta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Dowladda Sweden u soo magacowday Soomaaliya Mr.Lingarde.

Kulanka dhax maray Gudoomiyaha golaha shacabka  iyo safiirka Sweden ayey uga wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal,dardargelinta howlaha lagu dhameystirayo doorashooyinka Dalka.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka iyo Safiirka dowlada Sweden ayaa kawada hadlay in la adkeeyo qoondada haweenka ee ku yeelanayaan Xildhibaanada labada Aqalka ee Baarlamaanka federaalka.

Kulankan ayaa kusoo aadaya xili doorashada Aqalka sare dalka ka bilaabatay lana filayo in dhawaan magaalooyin kuyaala maamul goboleedyada iyo Muqdisho ka bilowdaan dooarshaada Xildhibaanada Aqalka Hoose.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -