Allbanaadir.com
NEWSSOUTH WEST

Afhayeenkii golaha iskaashiga dowlad goboleedyada oo goor dhow is casilay

Cabdullaahi Shiikh Xasan oo ahaa Wasiirkii dastuurka mamaulka Koonfur galbeed ayaa iska casilay xilkii Afhayeenimo ee Golaha Iskaashiga Maamul Goboleedyada.

Iscasilaadiisa ayuu ku sababeeyey inay tahay maadaama uu is casilay Madaxweynihii Koonfur Galbeed Shariif Xasan Shiikh Aadan oo sidoo kale ka haray tartanka doorashada koonfur galbeed.

“Afhayeen ma sii ahaan karo maadaama uu Meesha ka baxay madaxweynihii maamulka aan markii hore ka imid” ayuu yiri Cabdullaahi Shiikh Xasan oo xilka afhayeenimo ee golaha iskaashiga hayey muddo kooban.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidamada Israel oo amray in laga baxo Rafah iyo qax balaaran oo ka bilowday (Sawirro)

Caydiid Ali

Qarax saaka ka dhacay Magaalada Marko iyo faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali

Dowlada Soomaaliya oo hal arrin uga mahad celisay Boqortoyada Sacuudiga (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---