Madaxweyne Biden oo si adag u beeniyay Warar lagu faafiyay Warbaahino waa weyn

Madaxweynaha dalka Mareykanka Joe Biden ayaa si adag u beeniyay warar ay warbaahinta caalamka qaarkood baahiyeen oo ku aadanaa in laga diiday codsi uu u diray Madaxweynaha dalka Shiinaha oo ku aadanaa in kulan toos ah yeeshaan.

Warbaahinta caalamka qaarkood ayaa  qoray in wadahadal dhinaca telfoonka oo dhax maray Madaxweyne Joi Biden iyo Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping isku fahmi waayeen in kulan toos ah yeeshaan uuna ka biyo diiday Jinping oo marka hore codsaday in Mareykanka wax ka bedelo siyaasadiisa Shiinaha ku wajahan.

Madaxweyne Joi Biden oo Wariyaal la kulmay wax ka weediiyeen warkan la baahiyay ayaa sheegay in warkaasi uusan jirin , waxa uuna hadalkiisa kusoo koobay ” run maahan warkaasi”

La-taliyaha amniga qaranka ee Madaxweynaha Mareykanka Jake Sullivan, ayaa dhankiisa beeniyay warka laga faafiyay wadahadalka dhinaca telfoonka ah ee dhax maray Madaxda dalalka Mareykanka iyo Shiinaha.

Wadahadalka khadka telefoonka ee Biden iyo Xi ayaa ahaa kii ugu horreeyey muddo toddobo bilood ah, waxayna ka wadahadleen baahida loo qabo in la hubiyo in tartanka u dhexeeya labada dal ee ugu dhaqaalaha badan adduunka aanu u weecan isku dhac.

Dowlada Shiinaha ayaana wax war ah kasoo saarin warkan la baahiyay ee ku aadan in Madaxweyne Xi Jinping ka biyo diiday in kulan fool ka fool ah la qaato dhigiisa dalka Mareykanka Joi Biden.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -