Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamada Amaanka oo goordhaw gacanta ku dhigay Waxyaabaha Qarxa (Sawirro)

Ciidamada dowlada Soomaaliya gaar ahaan kuwa Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka ayaa gacanta ku dhigay waxyaabaha qarxa oo la diyaariyay.

Howlgal ay ciidamada dowlada ka sameeyeen deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho ayaa lagu soo qabtay waxyaabahan qarxa oo ku jiray Boorso.

Qaraxyadan la qabtay ayaa ahaa miinooyinka hareeraha wadooyinka lagu aaso iyo qaraxyo kale kuwaa oo ciidamada la sheegay in ay kusoo qabteen xog la siiyay.

Laamaha amaanka dowlada Soomaaliya ayaan wali faah faahin ka bixin qaraxyadan la qabtay, waxa uuna howlgalkan imaanayaa xili Qaraxyada iyo dilalka kusoo laabteen Muqdisho.

Related posts

Doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliyeed oo goordhaw bilaabatay

Cabdi Cade

Generaal Fulvio Poli oo magaalada Muqdisho laga sagootiyay

Cabdi Cade

Xuseen Kuulow Maxamed oo caawa lagu dilay Muqdisho iyo faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali
Taboola Ads ---