Lacag ku dhaw 1 Milyan Dollar oo ku baxday Doorashada kursigii uu ku guuleestay Muuse Suudi

Waxaa xalay ka bilaabatay magaalada Jowhar ee caasimada maamulka Hirshabelle doorashada Senatarada Aqalka Sare ku matalaya maamulkaasi, waxaana la filayaa in maanta sidoo kale la doorto Senataro kale.

Kursiga ugu adag si weyna loo hadal hayay doorashada Hirshabelle ayaa aheyd kursiga uu ku guuleestay Senator Muuse Suudi Yalaxow ayna kula tartamayeen siyaasiyiin caan ah ay ku jiraan Cabdulaahi Sheekh Xasan iyo Axmad Daaci.

Doorashada kursigan oo aheyd mid xamaasad leh ayaa waxaa ku baxday lacag ku dhaw Hal Milyan oo Dollar oo musharaxiinta u bixiyeen laaluush ahaan, waxaana lacagtaasi la siiyay xildhibaanada codkooda lagu kala baxayay.

Sida aan xogta ku helnay Labada Musharax ee kala ahaa Muuse Suudi Yalaxow oo kursiga ku guuleestay iyo Cabdullaahi Sheekh Xasan ayaa midkiiba bixiyay lacag gaareysa 3-Kun oo Dollar halka Musharaxa kale Axmed Daaci isna bixiyay 2-kun oo dollar.

Xildhibaanada Hirshabelle ee codkooda dhiibanayay ayaa gaarayay 98-Xildhibaan, waxaana midkiiba uu ka helay kursiga Muuse Suudi ku guuleestay lacag gaareysa 8-Kun oo Dollar, iyadoona isku geyn lacagta kursigan ku baxday ka badan tahay 784-kun oo Dollar.

Waxaa sidoo kale xusid mudan in Musharaxiinta kursigan oo afar gaareysay isku diiwaan geliyaan lacag gaareysa 80-kun oo dollar, waxaana kursigan uu noqday midkii ugu qaalisanaa doorashada Aqalka Sare ee dalka ka dhacday.

Muuse Suudi Yalaxow oo horey kursigan ugu fadhiyay Madaxtooyada Soomaaliya uu mucaarad ku ahaa dadaal badan ku bixisay sidii looga tuuri lahaa, hasa ahaatee Muuse Suudi oo taageero badan helay ayaa mar kale ku guuleestay kursigan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -