Madaxweyne Ashraf Ghani oo raali galin siiyay Shacabka kana hadlay Sababta uu u baxsaday

Madaxweynihii hore ee dalka Afqaanistaan Ashraf Ghani ayaa fariin raali gelin ah u diray shacabka dalkaasi, kadib markii uu si lama filaan ah uga baxsaday magaalada Kabul ay kaabiga ku hayeen kooxda Taalibaan.

Ashraf Ghani ayaa hada kunool dalka Imaaraadka Carabta uu magan gelyo ka helay, waxa uuna shacabka Afganistan ka raali galiyay in uu dalka isaga cararay, waxa uuna cadeeyay in sababta uu u baxsaday ay aheyd in uu bad baadinayay dhiiga shacabka.

“Inaan Kaabuul isaga carara waxay ii ahayd go’aankii iigu adkaa nolosheyda, waana ka xumahay in xaalada sidaan ku dhamaato, ujeedkayga waxa uu ahaa in aan bad baadiyo dhiiga shacabka” ayuu yiri Ghani.

Wuxu sheegay inaysan qorshaha ugu jirin inu dadkiisa iyo dalkiisa uu ka cararo, balse taasi ay ahayd waddada kaliga ah ee u furnayd si uu dalka uga bad baadiyo dagaal sukeeyo oo dhiig badan ku daato.

“Waxaan go’aansaday inaan isaga baxa daka ka dib markii ay sidaasi igula taliyeen ilaalada madaxtooyada oo ii sheegay in sii joogitaankeyga uu horseedi kara dagaal waddooyinka ka dhaca sidii dhacday xilligii dagaalkii sokeeye 1990”, ayuu yiri Madaxweyne Ashraf.

Madaxweynihii hore ee Afganistan ayaa beeniyay eedeymaha la xariira in uu la baxsaday malaayiin dollar, waxa uuna cadeeyay in lacag uu qaato iskaba daayee uusan helin xitaa fursad uu isaga bedelo dharka iyo kobihii uu xirnaa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -