Alpha Conde oo la dejiyay Hotel Qaali ah iyo ciidamo badan oo ilaalo ka haya

Madaxweynihii dalka Guinee Alpha Conde oo ay Ciiddanka dalkaasi xilka ka tuureen Axadii la soo dhaafay ayaa la sheegay inay Xaalladiisa Wanaagsan tahay.

Wakaalladda Wararka ee The Mosaique Guinee News Agency ayaa Ilo-wareedyo ka soo xigtay inuu Madaxweynihii hore degan yahay Hotelka qaaliga ah ee Nuur oo dacasha ku haya Qasriga Madaxtooyada ee dalkaasi oo ku yaalla Caasimada Conakry.

Wakaalladda waxay xustay inuu Madaxweynaha qolkiisa ku haysto TV, inkastoo ay Mobaylkiisa ka qaateen Saraakiishii Afgembisay.

 

Alpha Conde waxa la jooga Dhakhtar si fiican u daaweeya.

Axadii la soo dhaafay ayey koox Ciiddan ah oo uu horkacayey Kolonel Mamady Doumbouya waxay xoog ku qabsadeen Madaxtooyada , iyagoo xiray Madaxweyne Alpha Conde.

Saraakiisha waxay laaleen Dastuurkii dalkaasi, iyagoo kala diray Barlamaanka, soona rogeen Bandow.

 

- Advertisement -