DEG DEG: Dagaal culus oo goor dhow ka qarxay Magaalada Dhuusamareeb

Dagaal ayaa la soo sheegayaa inuu goor dhow ka qarxay magaalada Dhuusamareeb kaasoo dhexmaraya ciidamada dowlada ee taageeraya maamulka Galmudug iyo kuwa ahlu suna.

Dagaalkan ayaa daba socda iska horimaad xalay labada ciidan ku dhexmaray magaaladaas kaasoo dhaliyey xiisad sababay dagaalka hadda socda.

Goob joogayaal ku sugan magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in jawiga magaalada uu mar kaliya isbedelay markii la maqlay rasaas culus oo ka soo dhaceysa xarumaha ay kala joogaan ciidamada dowlada iyo ahlu suna

Inkastoo aan la ogeyn qaabka uu ku bilowday dagaalka saaka ayaa haddana wararku waxay sheegayaan in xooggiisa uu ka socdo xarumaha Inji iyo Madaxtooyada Galmudug oo ay kala fadhiyaan madaxda labada dhinac, goobo aad iskugu dhowna ku yaalla.

Dhawaqa rasaas culus la isweydaarsanayo iyo qaraxyo ayaa laga maqlayaa qeybo ka mid ah gudaha magaalada, iyadoo xaaladu ay haatan u muuqato mid faraha ka sii baxeysa.

LA SOCO WIXII SOO KORDHA..

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -