Ciidamo Gadoodsan oo saakay la wareegay Bangi kuyaala magaalada Boosaaso

Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa sheegaya in saakay ciidamo gadoodsan oo katirsan maamulka Puntland mudo kooban la wareegeen xarunta bangiga dhaxe ee Boosaaso.

Ciidamadan Bangiga hakiyay shaqadii ka socotay ayaa la sheegay in ay ka cabanayeen mushaar la’aan dhowr bilood ah, waxa ayna ciidamada markii xarunta Bangiga la wareegayeen fureen rasaas badan.

Dadkii ka agdhawaa halka uu bangiga kuyaalo ayaa la sheegay in ay kala carareen kadib markii rasaas badan cirka loo riday, waxa ayna dadka qaar moodeen in goobtaasi ka socoto iska hor imaad.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaa in ciidamada gadoodsan mudo kooban ay hakiyeen shaqadii bangiga sidoo kale diideen in lasoo galo bangiga, waxa ayna ciidamada dalbanayeen in mushaarkooda la siiyo.

Saraakiil katirsan ciidamada Puntland ayaa la sheegay in markii dambe gaareen bangiga dhaxe ee Boosaaso, waxa ayna saraakiisha ciidamada ku qanciyeen in ay dib ugu laabtaan saldhigyadooda lana xalin doono cabashadooda.

Xaalada magaalada Boosaaso ayaana hada caadi kusoo laabatay, mana ahan markii ugu horeesay ay bangiyada Puntland kuyaala la wareegaan ciidamo maamulkaasi katirsan oo ka cabanaya mushaar la’aan.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -