Allbanaadir.com
NEWS

Laftagareen oo buuq ku furay ku dhawaaqista Xisbiga Caddaaladda

Waxaa maanta lagu waday in magaalada Muqdisho ka dhacdo munaasabad lagu waday in loogu dhawaaqo xisbi weyn ay ku mideysan yihiin madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo madaxda maamul goboleedyada qaar ee dalka ka jira.

Xisbigan oo loogu magacdaray xisbiga Caddaaladda , ayaa maanta lagu waday in lagu daahfuro hoolka Sahal ee magaalada Muqdisho, waxaana qaban qaabada munaasabadan oo socotay maalmihii lasoo dhaafay ugu dambeyn noqotay mid fashilanta dib u dhacna ku yimaado ku dhawaaqista xisbiga .

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) oo qeyb ka ah xisbigan ayaa dood ka keenay hannaanka awood qeybsiga xisbiga iyo sidoo kale qaab dhismeedkiisa, waxa uuna sheegay in uusan raali ka aheyn sida ay hadda wax ku socdaan ayna ku dulman yihiin dadka uu matelo.

Xisbiga Caddaaladda oo ay ku mideysan yihiin madaxda sare ee dowladda Federaalka, madaxda maamulada Galmudug, Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed ayaan wali la isku raacin qaabdhismeedkiisa iyo habka loo qeybsanayo xubnaha maamulka xisbiga.

Madaxda maamulada Hirshabelle iyo Galmudug, ayaa la sheegay in ay la dhacsan yihiin hannaanka ay wax u socdaan wax doodna aysan qabin, hasa ahataee waxaa dood keenay oo sabab u noqday in munaasabadda ku dhawaaqista xisbiga dib u dhacdo Madaxweynaha Koonfur Galbeed Laftagareen oo hadda la qancinayo.

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

DEG DEG: C/llaahi Cumar Abshirow oo noqday Gudoomiye ku-xigeenka labaad ee BFS

Caydiid Ali

Kenya oo bilowday talaabo ay kaga aargudaneyso DF & Muuse Biixi oo Nairobi ku sii jeeda

Caydiid Ali

Muuqaal Duube katirsanaa kooxda Daacish oo Xukun Adag lagu riday

Cabdi Cade
Taboola Ads ---