Ruushka oo diyaarsaday liiska dad uu leynayo marka uu qabsado dalka Ukraine

Dowlada Maraykanka ayaa sheegtay in xogo sirdoon oo sheegaya in Moscow ay diyaarisay liiska dadka ay dooneyso inay khaarijiso ee Ukraine ku nool ka dib marka ay qabsato.

Xogaha sirdoonka ee saraakiisha Mareykanka  heleen ayaa muujinaya in Ruushku uu hadda gacanta ku hayo liiskaasi khaarijinta dadka Ukraine iyo mucaaradka Ruushka kuwaasoo la dili doono ama la xiri doono haddii Moscow ay soo weerarto Ukraine.

Warbixinta ayaa sidoo kale lagu sheegay in bartilmaameedyada ay ku jiraan dad Ruushka u dhashay oo mucaaradka ah iyo kuwa reer Belarus-ka ah ee musaafuriska ku jooga Ukraine.

Saxafiyiinta iyo dadka u ololeeya ka hortaga musuqmaasuqa, iyo “kooxaha nugul sida kooxaha diimaha iyo qowmiyadaha laga tirada badan yahay ayaa sidoo kale ku jira liiska

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -