Farmaajo oo Damacsan Qorshe wadanka halis galin kara iyo Mursal oo loo adeegsanayo

Khilaafka u dhaxeeya Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ee Soomaaliya Farmaajo iyo Ra’isul Wasaaraha Xil gaarsiinta ayaa hada gaaray meeshii ugu xumeyd, waxaana laga cabsi qabaa in khilaafkan mar kale saameyn ku yeesho doorashada dalka ka bilaabatay.

Sida aan xoggo hoose ku heleyno Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday Farmaajo ayaa mar kale damacsan qorshe uga sii dari karta xaalada siyaasadeed ee dalka mugdina galin karta doorashada dalka hada ka bilaabatay qeybo kamid ah.

Farmaajo ayaa la sheegay in uu qorsheenayo in Gudoomiyaha Golaha Shacabka waqtigiisu dhamaaday Maxamed Mursal ku amro in kulan deg deg ah isugu yeero Xildhibaanada golaha shacabka si ay xilka uga tuuraan Ra’isul Wasaare Rooble.

Qorshahan uu hirgalintiisa ka socdo Villa Soomaaliya ayaa hadii sida ay rabaan u dhaco laga cabsi qabaa in mar kale dalka uu galo khilalalaase siyaasadeed saameyna xuna ku yeesha amaanka iyo hirgalinta doorashada hada laga heshiiyay.

Madaxweyne Farmaajo ayaana u arka dan iyo in uu is jiid jiidka siyaasadeed iyo dib u dhaca doorashada kusii joogi karo Villa Soomaaliya uu hada sharci daro ku joogo mudo 8-bil, waxaana hada sii yaraaneysa fursada uu u heesto in mar kale dib loo soo doorto.

Khilaafkan hada mugdiga galinaya rajada dowladnimada Soomaaliya ayaa ka dhashay dil lagu tuhmayo NISA oo loo geestay Sargaalad katirsaneyd, waxa uuna Madaxweyne Farmaajo oo difaacay lana saftay saraakiisha dilkan lagu tuhmayo.

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Rooble ayaa dadaalo badan uu sameeyay horseeday in laga heshiiyo khilaafyadii hareeyay in doorashada qabsoomi weyso, waxa uuna Rooble lawada heshiiyay maamulada dalka uu ku qanciyay in doorashada bilaabaato.

Farmaajo oo markii hore jaceyl u qabeen shacabka Soomaaliyeed ayaa hada u muuqda mid sii wada luminaya dadkii yaraa ee taageersanaa, waxaana mudooyinkii ugu dambeesay hoos u dhacesysay dadka taageersan ee doonaya in mar kale dalka sii hogaamiyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -