Allbanaadir.com
NEWS

Sidee Hooyada dhashay hogaamiyaha Boko Haram u aragtaa falalka uu gacmaha kula jiro wiilkeeda? (Daawo Sawirro)

Hooyada dhashay ninka ah hoggaamiyaha kooxda Boko Xaraam Abubakar Shekau ayaa ka hadashay dhibaatooyinka wiilkeeda uu ka wado dalka Nigeria, waxayna sheegtay in dhibaatooyin badan uu ka geystay dalkaas.

Falmata Abuubakar ayaa sheegtay in muddo 15 sano ah aysan indho saarin wiilkeeda, waxayna intaas ku dartay “Waxaan rajaynayaa in uu Alle soo hanuuniyo”.

“Haa waa wiilkayga, hooyo kastana wiilkeeda way jeceshahay, balse waxaan leenahay dabeecado kala duwan, runtii dhibaatooyin badan ayuu horseeday” ayay intaas ku dartay.

“Ma ahan dhaqankii iyo tarbiyaddii aan aniga baray, ma garanayo waxa ay yihiin waxa uu samaynayo, Alle hasoo hanuuniyo ” ayay tiri.

Mama Falmata waxay sheegtay inaysan ka war haynin in uu nool yahay iyo inuu nool yahay iyo in kale, aysana jirin wax xiriir ah oo uu la soo sameeyey muddo 15 sano ka badan.

Kooxda Boko Xaraam oo micnaheedu yahay ‘waxbarashada reer galbeedka waa xaaraam’ ayaa weeraro ka bilowday dalka Nigeria sanadkii 2009-kii, iyada oo sheegtay in khilaafo islaami ah ay ka samaynayso Waqooyiga Afrika.

Illaa 20 kun qof ayaa ku dhimatay rabshadahan, 2 milyan oo kalena waa ay ku barokaceen sida la sheegay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Wiil Soomaaliyeed oo arragga naafo ka ah kuna hadli kara seddex luqadood!

Cabdi Cade

Axmed Madoobe oo joojiyey safar uu ku tegi lahaa Dhuusamareeb, Sababtana ka hadlay

Caydiid Ali

(Sawirro) Taliyaha ciidanka lugta & xubno kale oo gaaray degaan laga saaray Al-shabaab

Caydiid Ali
Taboola Ads ---