Allbanaadir.com
NEWS

(Sawirro) Taliyaha ciidanka lugta & xubno kale oo gaaray degaan laga saaray Al-shabaab

Taliyaha ciidanka dhulka Jeneraal Dayax Cabdi Cabdulle oo ay wehliyaan guddoomiyaha gobolka Mudug iyo masuuliyiin kale ayaa booqday degaanka Shabeeloow iyo Miyiga hoos yimaada oo ka mid ahaa meelihii dhawaan laga saaray al-shabaab.

Taliyaha iyo masuuliyiinta kale ayaa la kulmay Saraakiisha Xoogaga Dalka Soomaaliyeed iyo Daraawiishta Galmudug eeku sugan Shabeeloow iyo saldhigyadii ay al-shabaab ku lahaayeen dhulka Miyiga.

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo Daraawiishta ayaa maalmihii lasoo dhaafay al-shabaab ka xoreeyay Deegaanada Shabeelow iyo Cimaamad oo dhamaan ka mid ahaa Saldhigyadii ay ku xooganayeen ee gobolka Mudug.

Ciidamada ayaa hada kaabiga ku haaya Deegaanka Caad, waxaana al-shabaab lagu baacsanayaa dhulka hawdkaa ee gobolka Mudug sida uu sheegay Taliyaha ciidanka dhulka Jeneraal Dayax Cabdi Cabdulle.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Shir aan caadi aheyn kaga qeyb galaya Jabuuti

Cabdi Cade

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo kawada hadlay arrin muhiim u ah dalkeenna

Cabdi Cade

Turkiga oo xanibaad dhinaca safarka ah saaray wiil uu dhalay Madaxweyne Xassan Shiikh

Caydiid Ali
Taboola Ads ---