War cusub oo ka soo kordhay jidadkii mudada xirnaa ee magaalada Muqdisho

Waxaa saaka dib loo furay qaar ka mid ah wadooyinkii magaalada Muqdisho oo xirnaa tan iyo bishii Ramadaan iyo maalmihii ciidul fitriga.

Waxaa ka mid ahaa wadooyinka xirnaa ee dib u furmay wadada Maka Al-Mukarama ee isku xirta xarunta madaxtooyada Somalia iyo garoonka Aadan Cadde taasoo ah mida ugu mashquulka badan magaalada Muqdisho.

Saraakiisha dowlada Somalia ayaa sheegay in wadooyinkan loo xiray si loo sugo amaanka magaalada bishii ramadaan oo inta looga bartay alshabaab iney fuliso qaraxo waaweyn balse ramadaankan aan dhicin.

Shacabka ayaa cabasho badan ka qabay xirnaanshaha jidadka oo sababay in magaalada loo kala gooshi waayo, iyadoo ciidamada amaanka lagu amaanay xeelado lagu dejinayey carada shacabka oo ay qaadeen mudadii jid xiristu socotay sida iney fasaxaan mootooyinka bajaajka iyo gaadiidka ay la socdaan haweenka iyo caruurta.

Ciidamada amaanka ayaa weli jooga jidadka la furay qaarkood iyagoo koontroolaya gaadiidka qaar si ay u hubiyaan cida iyo waxyaabaha saaran.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -