(Daawo Sawirro) Ciidan gelbiyey markab marayey Badda Somalia oo waday kumanaan dalxiisayaal ah

Ilaalo hubeysan oo horey uga tirsanaa Marineska Britain ayaa si qarsoodi ah ugu dhex milmay 2,600 dalxiisayaal ah kuwaasoo ku tamashleynayey Markabka raaxadda ee Queen Mary 2 sida uu qoray Wargeyska Daily Mail ee ka soo baxa dalka Britain.

Ilaaladaasi oo hubeysnaa ayaa loogu tala-gaalay inay Dalxiisayaasha ka badbaadiyaan Burcad-baddeeda ka qowleysata Badda Somalia.

Markabkaasi ayaa si nabad ah ku soo maray Gacanka Cadmeed, halkaasoo ay Burcda-baddeedu ku xooggan yihiin.

Ilaaladda ayaa la sheegay inay Markabka dhakadiisa ku xirteen Hub iyo Tubooyinka laga tuuro biyaha xoogga leh si ay Burcad-baddeeda isaga waabiyaan.

Ciiddanka ayaa waxay casharo Wacyi-gelin ah siinayeen Dalxiisayaasha oo ay ka codsadeen inaysan Habeenkii nalalka shidin iyo inay yareeyaan shanqarta culus inta uu Markabku marayo Badda Somalia.

Markabka Dalxiiska ayaa xawaare sare oo muddo 6 maalmodo ah ku maray Xeebaha Imaaraadka ilaa Jesiiradda loo dalxiis tago ee Caqaba ee dalka Urdun.

Kabtan Peter Philpott oo ka mid ahaa Ilaaladii la socotay Markanka waxa uu u sheegay Dalxiisayaasha in sidoo kale ay ilaalo ka hayaan Ciiddanka Caalamiga oo ay QM u fasaxday inay Maraakiibta Ganacsiga ka badbaadiyaan weeraradda Burcad-baddeeda ka qowleysata Badda Somalia.

Mid ka mid ah maraakiibta dagaalka ee ilaalada ka haya xeebaha Somalia ayaa dusha ka ilaalinayey markabkan dalxiisayaashu la socdeen intii uu marayey xeebaha Somalia.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -