Axmed Madoobe oo joojiyey safar uu ku tegi lahaa Dhuusamareeb, Sababtana ka hadlay

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa ku dhawaaqay inuu baajiyay safar uu ku tagi lahaa magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug.

Axmed Madoobe ayaa ka mid ahaa hogaamiyeyaasha lagu casuumay ka qeyb galka munaasabadda lagu dhameystirayo heshiiska Ahlusuna iyo Galmudug.

Qoraal ah la soo dhigay barta Facebook ee Axmed Madoobe ayaa lagu sheegay sababaha uu u baajiyay safarkaas ay ka mid yihiin shaqooyin muhiim ah oo uu ka qabanayo Kismaayo iyo safaro uu ku tagayo magaalooyin ka mid ah Jubbaland.

“Waxaan soo dhoweynayaa dhameystirka heshiiska Ahlusuna iyo Galmudug oo aan rajeynayo inuu dhabaha u xaaro degenaan siyaasadeed iyo horumarka gobolka oo sii socda” ayuu qoraalkiisa ku yiri Axmed Madoobe.

Madaxweynaha jubbaland ayaa noqday hogaamiyihii ugu horeeyey madaxda dowlad goboleedyada ee shaaciya inuu ka baaqday xaflada weyn ee ka dhaceysa Dhuusamareeb.

C/wali Gaas ayaan isna illaa hadda kala cadeyn inuu tagayo Dhuusamareeb iyo in kale ka dib markii maanta uu diiday inuu raaco dayuurad UN-ku leeyahay oo ka so qaadi laheyd Gaalkacyo sababo la xiriira ismaan dhaaf ka dhashay alaabo uu watay oo uu diiday in la baaro.

Madaxweynaha Hirshabelle ayaa Maxamed Cabdi Waare ayaa illaa hadda madaxda dowlad goboleedyada ka jooga magaalada Dhuusamareeb oo sidoo kale ay galabta gaareen wafdi balaaran oo uu horkacayo madaxweyne Farmaajo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -