Wiil Soomaaliyeed oo arragga naafo ka ah kuna hadli kara seddex luqadood!

Dalmar waa wiil dhallinyaro ah oo ku jira da’da labaatameeyada,waxa uu ku dhashay oo uu hadda ku nool yahay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka,waa qof arragga naafo ka ah oo aan waxba arki karin,waxa uu arragga beelay isaga oo ay da’diisu tahay seddex jir,waxaana sababay cudurka Jadeecada.

Dalmar waxa uu ku hadli karaa luuqadda hooyo ee Soomaaliga,Sawaaxili iyo English. Markii ugu horreysay oo uu dareemay in uu wax baran karo waxay aheyd sannadkii 2004,wuxuuna waxbarsho u tegay magaalada Marka ee gobalka Shabeellada Hoose halkaas oo ay wax ku baranayeen arday isaga la mid ah oo arraga la’ kaddib waxaa u suura geshay in uu fursad u helo aaditaanka dalka Kenya.

11 bishii November ee sannadkii  2016, Dalmar ayaa dhameystay waxbarshada dugsiga sare isaga oo kaga baxay dalka Kenya,Kaddib waxa uu ku biiray jaamacad ku taala Kenya oo uu ka bartay diploma 6 bil ah oo maadada Computer IT-ga, kaddib markii ay u soo idlaatay muddo waxbarasheedkii diploomada, Dalmar ayaa dib ugu soo laabtay magalaada Muqdisho.

Dib ugu soo laabashadiisa Muqdisho, Dalmar ayaa weli ku han weyn in uu halkan ku barto jaamacad,wuxuuna ii sheegay in uu daneynayo barashada maadada Maamulka guud ( Puplic Administration) hase yeeshee waxa uu dareemayaa in baahidiisa aysan dhameytirmin haba ugu darnaatee tan dhaqaalaha.

Dalmar waxa uu si wanaagsan ugu hadli karaa luuqadda English-ka taasi oo inta badan dalkeennu si weyn loogu adeegsado,waxa uu aad  u daneenayay kaddib barashada luuqaddan in uu isku bedeli doono qof turjumaan ah hase yeeshee wali rajadiisii waxbaa ka harsan imaatankeeda.

Waxa uu hadda la shaqeeyaa dhallinyaro macalimiin ah kuwaas oo mid kamid ah degmooyinka Muqdisho ku leh dugsi lagu barto luuqadda English-ka, wuxuuna u qaabilsan yahay haggidda xilliyada la qabanayo wadasheekeysiga,doodaha,hadal soo jeedinta iyo wixii mudan in wakhtigaas la sameeyo.

Inta badan dadkeennu ma rumeysna in qof naafo ah uu wax baran karo iyaga oo si weyn ugu niyad jebiya hammigiisa waxbarasho ama waxqabad  ee uu ku dhaqaaqi lahaa,waxaase ugu horreeya waalidiinta dhalay oo iyagu ka horjoogsada in qofka noocaas ah uu horumar gaaro,waxayna inta badan ku yiraahdaan waxaad ku wacan tahay joogitaanka guriga,taasina ma ahan mid loo riyaaqi karo.

Marka keenna naafada ah oo waxbartay uusan helin miraha tacabkii uu beertay,haddii aadan waxba u qaban,waa kee midka mudan ee aad wax siin laheyd? waa weydiin hortaalla madaxda maanta ee u dhaaratay u shaqeynta bulshadda Soomaaliyeed.

Ugu danbeyn inta akhrisan doonta qoraalkan waxaan u soo jeedinayaa in had iyo jeer niyadda loo dhiso dhallinta naafada ah ee uusan Alle u dhameystirin lixda lexaad, madaxda dowladdana waxaan ka codsanayaa in la dardar geliyo mashruucyo kor loogu qaadayo hiigsigooda iyo himiladooda ku aadan waxa ay rajeynayaan in mustaqbalka noqdaan.

W/Q   Mohamed Hassan Mohamed Owen

Email: Mohassan484@gmail.com

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -