Daalibaan oo gudaha u gashay Kabul iyo Kala Carar xoogan oo magaaladaasi ka bilowday

Dagaalyahanada kooxda Daalibaan ayaa saakay isku gadaamay magaalada Kabul ee caasimada dalka Afgaanistan, waxa ayna xireen wadooyin badan oo soo gala kana baxa magaaladaasi.

Warar hada soo baxaya ayna baahinayaan wakaalada Wararka caalamka ayaa sheegaya in dagaalyahanada Daalibaan gudaha u galeen qeybo kamid ah magaalada Kabul uuna halkaasi ka socdo dagaal u dhaxeeya Daalibaan iyo ciidamada dowlada.

Kooxda Daalibaan ayaa gashay qaar kamid ah degmooyinka Kabul , waxaana calanka Kooxda Daalibaan laga taagay mid ka mid ah Degmooyinka ka tirsan Caasimadda, waxaa sidoo kale kooxda la sheegay in ay la wareegeen dhismaha  Jaamacadda Kabul.

Wasaarada arimaha guddaha Dowlada Afgaanistan ayaa xaqiijisay in dagaalyahanada Daalibaan soo galeen qeybo kamid ah caasimada, waxaana xaalad cabsi ah iyo kala carar ka taagan tahay magaalada Kabul.

Ajaaniibtii ku sugneed magaalada Kabul ayaa bilaabay in ay magaalada isaga cararaan, waxaana garoonka diyaaradaha Kabul ka baxaya diyaarado badan oo halkaasi ka qaadaya ajaaniib iyo madax kala duwan oo daalibaan ka baxsanaya.

Xaalada magaalada Kabul ayaa u muuqata maanta mid aad u kacsanb, waxaana magaalada laga cabsi qabaa in dagaal dhiig badan ku daato ku dhax maro ciidamada dowlada iyo kuwa Daalibaan oo doonaya in magaalada la wareegaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -