Wakaalada Wararka Xinhua oo faafisay muuqaal dad badan yaab & fajac ku noqday (Sawirro)

Wakaalada Wararka Shiinaha ee Xinhua ayaa faafisay muuqaal dad badan fajac ku noqday, oo muujinaya Madaxweynaha dalka South Sudan Salva Kiir oo isagoo goob fagaare ah jooga isku kaadinaya.

Madaxweyne Salva Kiir ayaa ka qaybgelayey furitaanka Wado uu Shiinuhu ka dhisay South Sudan,oo dhererkeedu dhan yahay 63 km,Waxaana dhistay shirkadda Shiinaha ee Shandong Hi-Speed ​​​​Co Sida ay qortay Xinhua.

Madaxwaynaha ayay Kaamiradu qabanaysaa isagoo u taagan astaanta calanka South Sudan, Kadibna waxaa la arkayaa iyadoo ay Madaxweynaha kaadidu ka socoto isagoo u muuqda inuusan ogayn inuu isku kaadiyey .

Salvakir ayaa la sheegay in bilihii u dambeeyey Xaaladiisa caafimaad ay aad u xumayd,marar badan uu dibeda baaritaan caafimaad u tegay.

Falcelin arintan laga sameeyey ayaa lagu sheegay in arintani tahay dhibaato haysata Afrika oo ay Madaxda Afrika doonayaan inay dhintaan iyagoo Kursiga ku fadhiya, Waxaana dadka qaar ay tusaale u soo qaateen Madaxweynihii hore ee Algeria Butafliqa oo Xilka hayey mudo badan, isagoo aad u xanuunsan oo aan xitaa awoodin inuu hadlo, laguna waday gaariga dadka xanuunsan, Halka Madaxda kale ee dunida marka uu xaalkooda Caafimaad xumaado iska wareejiya xilka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -