Galmudug oo ka hadashay Wararka sheegaya in Dhuusomareeb laga saarayo Ciidamada Haramcad

Waxaa saacadihii lasoo dhaafay soo baxayay warar sheegaya in Madaxda maamul goboleedyada Puntland iyo Jubbaland dalbadeen in magaalada Dhuusomareeb laga saaro ciidamada Haramcad ee ka amar qaata Xukuumada Soomaaliya.

Warbaahinta qaar iyo baraha bulshada ayaana lagu baahiyay warkan sheegaya in Madaxda Jubbaland iyo Puntland shuruud uga dhigeen tagitaankooda magaalada Dhuusomareeb in ciidanka Haramcad laga saaro magaalada Dhuusomareeb.

Wasiirka Warfaafinta maamulka Galmudug Axmed Shire Falagle oo Warbaahinta la hadlay ayaa been abuur ku tilmaamay warka sheegaya in Madaxda Jubbaland iyo Puntland dalbadeen in ciidamada Haramcad laga saaro Caasimada Galmudug.

Waxa uu sheegay Wasiirka in Warkaasi yahay barabogaando ay fidinayaan dad kasoo horjeeda Shirka ka dhacaya Dhuusomareeb, waxa uuna cadeeyay in aysan jirin wax shuruud ah oo Madaxda ka qeyb galeysa shirka dhankooda ka yimid.

Hadalkan kasoo baxay maamulka Galmudug ayaa kusoo aadaya xili la filayo saacadaha soo socda magaalada Dhuusomareeb gaaraan Madaxda maamul goboleedyada dalka ee ka qeyb galaya shirka beri magaaladaasi uga furmaya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -