Wasiir katirsan Xukuumada Soomaaliya oo loo doortay Senator katirsan Aqalka Sare

Waxaa magaalada Baydhabo ka socota doorashada Sentarada Aqalka Sare ee uga harsanaa dowlad goboleedka Koonfur Galbeed , waxaana goordhaw la doortay Senator cusub oo kamid noqonaya xubnaha Aqalka Sare ku matali doona Koonfur Galbeed.

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda xilgaarsiinta Xasan Xuseen Xaaji ayaa goordhaw loo doortay Senator katirsan Aqalka Sare ee Baarlamanaka federaalka kadib markii uu ka guulestay Musharacii la tartmayay.

Xasan Xuseen Xaaji ayaa helay codad gaaraya 74 Cod halka Musharixii la tartamayay ee Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi uu helay 14 Cod, waxaana halaabay Saddex Cod oo kamid ahaa codadkii la dhiibtay.

Waxaa sidoo kale goordhaw la filayaa in magaalada Baydhabo lagu doorto labo Senator kale oo kamid noqonaya Aqalka Sare ee Baarlamaanka federaalka kuwaa oo dhameestiraya xubnaha Aqalka Sare ku yeelanayo Koonfur Galbeed oo gaaraya 8-xubnood.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -