Allbanaadir.com
NEWSSOUTH WEST

Ciidamada Danab oo xiray rag lagu tuhmayo in Al Shabaab katirsan yihiin (Sawirro)

Ciidanka kumaandooska Soomaaliya ee Danab Hawlgal Qorshaysan oo dad lagu qabqabtay saacadihii lasoo dhaafay ka sameeyey degaanka Caliyoow baaroow oo ka tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose.

Saraakiisha ciidanka Danab hoggaamineysay ayaa sheegay in ujeedka howlgalka uu ahaa burburinta goobo Al Shabaab kaga sugnaayeen deegaanka Caliyoow Barakow iyo sidii aagaasi Al Shabaab looga saari lahaa.

Ciidamada ayaa la sheegay in deegaanka ka sameeyeen baaritaano ayna soo qabqabteen dad badan oo ay tuhmayeen, waxa ayna markii dambe ciidamada ka xeesteen afar nin oo saraakiisha ciidanka sheegeen in Al Shabaab katirsan yihiin.

Saraakiisha ciidanka oo sidoo kale la hadlay dadka deegaanka ayaa uga digay in ay soo dhaweestaan lana shaqeeyaan Al Shabaab, waxa ayna xuseen in ay sii wadu doonaan howlgalada ka dhanka ah Al Shabaab.

 

Related posts

Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay xerada Turkisom iyo Faah Faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade

8 su’aalood oo ku xeeran dilka C/casiis Afrika Agaasimihii Radio Muqdisho

Caydiid Ali

Baaritaano lagu sameenayo Madaxweyne Trump iyo Aqalka cad oo si adag uga hadlay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---