Wasaaradda awqaafta & arrimaha diinta oo war ka soo saartay dhalashada bisha Shawal

Xoghayaha Joogtada ee Wasaarada Awqaafta iyo Diinta  Sheekh Kheyrow Aadan oo si toos ah Bulshada uga hadlayay Warbaahinta ayaa sheegay in maalinta beri  ay tahay maalin ciid ah,  isla markaana Ummadda ugu hambalyeeyay bilasha 1-da bisha Shawaal.

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Diinta ayaa sheegay in culimada xiriiro kala duwan oo ay sameeyeen ay u cadaatay in beri ay tahay maalin ciid ah, kadib markii laga arkay magaalooyin dhowr ah oo ka mid ah dalka.

Sheekh Kheyroow Aadan ayaa Ummadda ka codsaday inay ka faa’iideystaan tukashada ciida, isla markaana si Islaami ah loogu ciido, lana joojiyo bandhig faneedyada lagu soo dhaweynayo ciidda.

Sheekh Cali Sheekh Maxamuud (Sheekh Cali Dheere) Agaasimaha Diinta ee Wasaaradda Cadaaladda ayaa xusay in aragtida bisha ay Wasaaradda iyo culimo Soomaaliyeed la wadeegeen bulsho badan oo ay khadka si toos ah u soo geliyeen, waxaana uu hambalyo u diray Ummadda Soomaaliyeed meelkast oo ay joogaan.

Sheekh ku sugan degmada Xeraale ee gobolka Galguduud ayaa sheegay inuu dhaariyay wiilasha arkay bisha.

Sheekh Cabdiqaadir Soomow oo ka mid ah culimada Soomaaliyeed ayaa sheegay in markii ay la xiriireen culimada Degmada Xeraale ay  tahay mid ay ku kalsoonyihiin, isla markaana beri ay ku beegantahay maalinta koowaad ee ciidda.

Sheekh Yuusuf Cali Ceynta Guddoomiyaha Majmaca Soomaaliyeed ayaa shacabka u sheegay in salaadda ciida loo soo deg dego.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -