Madaxweyne Shaki galiyay Dowladnimada Soomaaliya oo Muqdisho imaanaya

Madaxweynaha dowlada Uganda Yoweri Museveni ayaa lagu wadaa in booqasho ku yimaado magaalada Muqdisho, kadib casuumad rasmi ah uu ka helay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

War kasoo baxay Madaxtooyada dalka Uganda ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Yoweri Museveni uu booqasho kutagayo magaalada Muqdisho uuna casuumad ka helay dhigiisa Soomaaliya.

Lama shaacin wali xiliga rasmiga ah uu booqashada ku imaanayo magaalada Muqdisho Madaxweynaha dalka Uganda, waxa ayna booqashadan noqoneysa mid xoojisa xiriirka labada dal ka dhaxeeya.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahu Framaajo ayaa magaalada Adis Ababa isbuucan kula kulmay Madaxweynaha Uganda , waxa uuna ku martiqaaday magaalada Muqdisho si uu u arko isbadalka jira iyo hor marada dowladiisu gaartay.

Booqashada Madaxweynaha Uganda Muqdisho ku imaanaya ayaa kusoo aadeysa xili uu dhawaan ka dhawaajiyay hadal dad badan oo Soomaaliyeed ka careesiiyay, kadib markii uu Soomaaliya ku tilmaamay dal aan laheyn dowlad fiican oo shaqeysa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -