Madaxda sare ee dalka oo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey Ciidul fitriga

Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa Ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan u diray Hambalyada Ciidul Fidriga, isaggoo Sanadkaan kiisa xigga u rajeeyey inay ku gaaraan Caafimaad iyo Nabad buuxda.

“ Ummadda Soomaaliyeed meel walbo oo Caalamka ay ka joogaan, waxaan ku sallaamayaa Salaanta Islaamka,  waxaan leeyahay Hambalyo , Ciid wanaagsan, Ciid Mubaarak, Alle waxaan ka baryeynaa Sanadkaan kiisa xigga inuu nagu gaarsiiyo Caafimaad iyo Nabad buuxda” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo

Madaxweynaha JFS, ayaa Ciidamada qalabka sida, gaar ahaan Ciidanka Xasilinta uga mahad celiyey sida ay ugu dhabar adeegeen in Shacabka Soomaaliyeed ay ka difaacaan Kooxda  Alshabaab oo uu sheegay inay yihiin Koox caadeysatay daadinta dhiigga Shacabka.

“Waxaan u mahad celinayaa Ciidamada qalabka sida, Ciidanka Xasilinta oo habeen iyo maalin u taagnaa siddii Shacabka Soomaaliyeed uga difaaci lahaayeen Qolooyinkaan Hororka ah oo caadeystay inay Qaraxyo ka geeystaan magaaladda Muqdisho oo ay ku laayaan Shacab, Culimo, Ciroole iyo Dumar” ayuu yiri Madaxweynaha JFS.

Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo, ayaa Shacabka Soomaaliyeed uga mahad celiyey la shaqeynta Ciidanka Xasilinta, waxaana uu xusay in Dawladda Soomaaliya ay ka shaqeyn doonto siddii magaaladda Muqdisho loogu soo dabaali lahaa Ammaan iyo Xasilooni.

“Waxaan u mahad celinayaa Shacabka Soomaaliyeed oo la shaqeeyey Ciidamada Xasilinta oo u dul qaatay Culeysyada uga yimid isu-socdka magaaladda, waxay Dawladda ka shaqeyneysaa siddii magaaladaan ay ugu soo dabaali laheyd ammaan iyo Xasilooni, waa loo baahan yahay wada-shaqeynta Ciidamada qalabka sida iyo Shacabka Soomaaliyeed” ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa uga digay al-shabaab dhibka ay ku hayaan Shacabka Soomaaliyeed, isaggoo carabaabay in Dawladda ay ka shaqeyn doonto siddii ay uga horgi laheyd falalka argagixisinimada leh ee Kooxda Alshabaab ay geeystaan.

“Waxaan uga dagayaa Qolooyinkaan argagixisada Nabad diidka ah oo caadeystay inay daadiyaan oo ay qubaan dhiigga Shacabka Soomaaliyeed oo Islaamka ah, inay ka waan toobaan oo ay joojiyaan dhibka ay Shacabka ku hayaan, Waxay Dawladda ka shaqeyneysaa  siddii ay ugu hortagi laheyd falalkaas argagixisinimada leh, ayna ku yareen laheyd dhibaatooyinka Shacabka Soomaaliyeed uga imaanaya Argagixisada” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya

Ugu Dambeyn Madaxweyne Farmaajo, ayaa Ummadda Soomaaliyeed ku booriyey in laga wada shaqeeyo Nabadda , ayna isku xariistaan, Maalinta Ciidda ahna kuwada Ciiddaan  Jawi wanaagsan oo farxad leh.

“ Waxaan Ummadda Soomaaliyeed ku boorinayaa in laga wada shaqeeyo Nabadda,  in la isku naxariisto, in la is gargaaro, in lagu wada Ciido Jawi wanaagsan oo farxad leh, Ciid wanaagsan, Ciid Mubaarak” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Dhinaca kale, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa Munaasabadda Ciidul-Firdiga ugu Hambalyeeyay dhammaan Muslimiinta gaar ahaan ummadda Soomaaliyeed ee soo dhameystay bisha Barakeysan ee Ramadaan, isaga oo u rajeeyay in Allah uu ka aqbalo acmaasha Soonka.

Ra’iisul wasaaraha ayaa hambalyo taa lamid ah u diray ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed gaar ahaan ciidamada Sugayay amniga caasimadda ee suurageliyay in bisha Barakeysan ee Ramadaan si nabad ah looga soomo caasimadda dalka.

“Waxa aan Hambalyo u dirayaa Muslimiinta oo dhan gaar ahaan ummadda Soomaaliyeed oo aan la wadaagayo farxadda Munaasabadda Ciidul-Firdiga. Waxa aan sidoo kale hambalyeynayaa una mahadcelinayaa ciidanka qalabka Sida ee Soomaaliyeed si gaar ah ciidanka sugidda amniga caasimadda oo suura geliyay in si nabad ah lagu dhameysto bisha Barakeysan ee Ramadaan”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Khayre.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa Shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed u rajeeyay in sanadka danbe ay ku gaaraan barwaaqo iyo horumar.

Bisha Ramadaan ee dhamaatay ayaa noqoneysa bishii ugu horeysay ee si nabad ah looga Soomo caasimadda Dalka Taariikhda dhaw, iyada oo arintaas amaanteeda ay leeyihiin laamaha amniga iyo shacabka Soomaaliyeed ee iska kaashaday sugidda amniga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -