Sawirro Gacmeedyo uu sameeyay Wiil u dhalay Osama Bin Laden oo la hadal hayo

Wiil uu dhalay Hoggaamiyihii hore ee ururka Al-Qaacida ee la dilay Osama Bin Laden, ayaa bandhig ka dhacaya dalka Faransiiska lagu soo bandhigayaa sawir gacmeedyo cajiib ah uu sameeyay.

Cumar Bin Laden ayaa sameeyay sawirro gacmeedyo kala duwan oo dad badan soo jiitay, sawirada uu ninkan sameeyay ayaana dad badan soo jiitay kahor inta aan lagu soo bandhigin dalka Faransiiska bandhiga ka dhacaya.

Waxaa uu sheegay Cumar Bin Laden in intii ay guryaha ku xayirnaayeen isaga iyo qoyskiisa uu waqti badan ku bixin jiray sameynta sawir gacmeedyada, waxa uuna xusay in uu sameeyay sawirro badan oo ay ku jirto midka xaaskiisa.

Wiilkan uu dhalay Osama Bin Laden ayaa sheegay in sameynta sawir gacmeedyada uu ka bartay barta Youtube-ka, waxa uuna cadeeyay in uu sameeyay sawirro badan oo aad loo jecleestay dad badana soo jiiteen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -